Sanchez, Van Dijk, Lemar iyo saxiixyada waa weyn aan sugeenay ma dhici doonaan

0
1747

 

Suuqa waxaa ka harsan 2-saac iyo 25-daqiiqo mana la filan doono in saxiixyo waa weyn dhacaan madaama xaalada suuqa isku cakir matay.

Saxiixyadii waa weyn aa la filaayay sida Sanchez, Van Dijk iyo Lemar ma dhici doonaan sida ay hada wax ku socdaan.

Man City waxay qiratay inay ku guul dareesatay soo qaadashada Alexis Sanchez madaama Arsenal labo dalab oo kala duwan maanta gudaheeda laga diiday.

Liverpool iyadana quus ayay ka taagan tahay helitaana Van Dijk madaama daafacan kooxdiisa Southampton shaaca ka qaaday inuusan beec ahayn wax yar ka hor.

Thomas Lemar isagana qaadashadiisa Liverpool iyo Arsenal ayaaku hungoobeen madaama Monaco sheegtay inaysan lacag u baahneyn xidigeeda ay ugu yaraan xili cayaareedkan sii heysan doonto.

Sidaa darteed saxiixyo waa weyn lama filaayo inay dhawacaan labada saac ee suuqa Yurub ka harsan balse wax walbo wey soo bixi karaan suuqaan aan sadaasha galin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan