Coutinho, Van Dijk Iyo Sanchez … Ma Joogi Doonaan Mise Waxay Ku Lug Yeelan Karaan DeadlineDay?

0
2831

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho iyo daafaca Southampton Virgil van Dijk ayaa labadaba ka dalbaday kooxahooda in la iibiyo.

Coutinho oo 25 jir ah ayaa doonaya inuu ka tago Anfield, iyadoo Barcelona aad loola xiriirinayo.

Barcelona waxaa laga soo diiday saddex dalab oo dhamaantood la rumeysan yahay in aysan ku qancin maamulka Fenway Sports Group ee iska leh Liverpool.

Dhibaatada Coutinho hor taala ayaa ah in kooxdiisa aysan diyaar u aheyn in ay fasaxdo xagaagan.

Image result for Coutinho, Van Dijk, Sanchez Deadlineday

Dhinaca kale Alexis Sanchez oo aan weli wax heshiis ah u saxiixn Arsenal ayay u badan tahay inuu dhaqaaqo xagaagan.

Laakiin tababare Arsene Wenger ayaa meesha ka saaray qorshaha uu ku baxayo Sanchez, iyadoo macquul tahay in 50 milyan oo ginni uu ugu dhaqaaqo Manchester City.

Sanchez haddii uu ku xirmo suuqa xagaagan, waxa uu beeca xorta ah kaga tagi doonaa Emirates Stadium xagaaga soo aadan.

Saacadaha ka haray suuqa, waxaa la filayaa in saddexdaan ciyaartooy ka dhaqaaqaan kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Southampton.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan