Dhaqtar xulka Brazil oo sheegay in Coutinho maskax ahaan u daalan yahay

0
1657

 

Phillipe Coutinho mustaqbalkiisa cayaareed oo aan meel u dhicin ayuu u safray dalka Brazil si uu xulkiisa kala qayb qaato kulamada isreeb reebka koobka aduunke ee todobaadka dambe la cayaari doono.

Hadaba dhaqtarka xulka Brazil Michael Simoni ayaa saxaafada u sheegay in Coutinho maskax ahaan u daalan yahay sidoo kalena farxada ka guurtay aadna u sameesay arinka suuqa Yurub madaama mustaqbalkiisa cayaareed meel u dhicin.

Kooxda Barcelona waxay dooneysaa soo qaashada Coutinho balse maamulka Liverpool ayaa si cad u sheegen in xidigaan la iibin doonin midaasna waxay keentay in laacibkaan qalbi jab ku dhaco.

Hadaba dhaqar Michael Simoni wuxuu ka dhawaajiyay in Coutinho xulkiisa Brazil caawin karin sidoo kalena ay waqti ku qaadan doonto sidii uu kaga soo kaaban lahaa xaaladan adag uu hada ku sugan yahay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan