Xaqiiqooyin Laga Diiwaan Galiyay Kulankii Barcelona 2-0 Ku Dhaaftay Real Betis (+Goos Goos)

0
2279

 

Kooxda Barcelona waxay ku daah furatay La Ligaha Spain guul kulan ay 2-0 ku dhaafeen naadiga Real Betis.

Barcelona goolasha ay ku badisay mid ka mid ah naadiga Real Betis ayaa iska dhalisay halka goolka kalena uu Sergio Roberto dhaliyay.

Hadaba kulankaan xaqiiqooyin laga diiwaan galiyay hoos kaga bogo:

Xaqiiqada 1-aad: Lionel Messi wuxuu qoriga goosha laad ku dhuftay 8-jeer laga soo bilaabo August 2016 ma jiro cayaryahan La Ligaha ka cayaaro oo intaas tiro la eg laad ah qoriga goosha ku dhuftay.

Xaqiiqada 3-aad: Lionel Messi waa markii ugu horeesay 10-laad uu kulan tuuray hadana mid ka mid ah uusan gool noqonin

Xaqiiqada 3-aad: Barcelona oo kulan furitaan La Ligaha Spain laga badinaayo waxaa ugu dambeesay August 2008, cayaar naadiga Municia guusha ka qaadatay waana kulankii ugu horeeyay Pep Guardiola leyliyo Barca.

Xaqiiqada 4-aad: Barcelona oo kulan furitaan La Ligaha Spain garoonkeeda looga badiyo waxaa ugu dambeesay 1939 waxaana 1-0 kaga badisay Espanyol, wixii markaas ka dambeeyay 38-cayaar ayay guuleesteen 5-kulana bar bara dhac ay garoonkooda ku galeen cayaaraha furitaanka.

Xaqiiqada 5-aad: Sergio Roberto goolkiisii ugu horeeyay ayuu La Ligaha Spain Barcelona u dhaliyay

Xaqiiqada 6-aad: Lionel Messi wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay hal kulan sedex jeer laad ku dhufto qoriga goosha tan iyo xili cayaareedkii 2005/06.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kulankii Barca 2-0 Real Betis ku dhaaftay:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan