Xaqiiqooyinkii laga bartay kulankii Man Utd iyo Swansea, Jose oo jebiyey rikoor 110 sanno la gaari waayey + (Goosgooska)

3
3943

Shabakadda Gool.Net ayaa halkaan idinkugu soo gudbineysa xaqiiqooyinkii laga bartay kulankii ay Manchester United guusha 4-0 ah ka gaartay kooxda Swansea City kana dhacay Koonfurta Wales iyo weliba goolkiisii kulankaas.

Manchester United ayaa dhalisay afar gool iyo wax ka badan labadeeda kulan ee furitaanka horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1907 illaa 1908, waana muddo laga joogo 110 sanno.

Eric Bailly ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey isagoo ah ciyaaryahan Man Utd ah, halka sidoo kale uu dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee heer horyaal ah.

Romelu Lukaku ayaa noqday ciyaaryahankii shanaad ee Man Utd ah kaasoo gool dhaliyey labadiisa kulan ee ugu horreeya ee England Premier League, waxaana rikoorkaan uga horreeyey shaqsiyaadka ka muuqda sawirkaan hoose.

Henrikh Mkhitaryan ayaa afar gool caawiye ka noqday labadiisa kulan ee ugu horreeya horyaalka Premier League ee uu u ciyaaray Man Utd xilli ciyaareedkaan.

Man Utd ayaa laba kulan min afar gool dhalisay waana labadeeda kulan ee ugu horreeya horyaalka Premier League, waana wax aysan sameyn xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay 2016 illaa 2017.

Anthony Martial ayaa ciyaaray 25 daqiiqo oo horyaalka EPL ah xilli ciyaareedkaan wuxuuna dhaliyey laba gool halka uu hal gool caawiye xiddiga reer France.

Ugu dambeyntii, Man Utd waxay ciyaartay laba kulan oo EPL ah xilli ciyaareedkaan iyadoo labadaas kulanba badisay, goolna lagama dhalin waxayna shaqeysatay lix dhibcood, halka ay sideed gool dhalisay. Sidaas darteed diyaar ayey u tahay loolanka horyaalka xilli ciyaareedkaan.

HALKAAN KA DAAWO GOOSGOOSKII KULANKAAN.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

3 Fikradaha Akhristayaasha

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan