Muxuu dareemay Diego Costa markii farriin qoraaleed (SMS) looga raacdeeyey Chelsea, muxuuse hadda sameyn doonaa?

0
1126

Diego Costa ayaa wuxuu sheegay in uusan weligiis tiri doonin (Delete gareyn doonin) farriin qoraaleedkii uu tababare Antonio Conte ugu sheegay in uusan wax mustaqbal ah ku laheyn kooxda Chelsea.

Costa wuxuu jawaab uga dhigay Conte in uusan kusoo laaban tababarka kooxda ka dhisan Stamford Bridge maadaama uusan ku jirin qorsheyaasha tababaraha u dhashay dalka Italy.

Costa haatan wuxuu ku sugan yahay dalka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Brazil, Chelsea ayaana guuldarro ku bilaabatay horyaalka England Premier League iyadoo ay 3-2 uga adkaatay kooxda Burnley.

Costa wuxuu u sheegay Daily Mail: “Waxa haatan ku dhacaya Chelsea waa wax laga murgo. Laakiin aniga tababaruhu farriin qoraaleed ayuu igu raacdeeyey. Waan fahmi karaa inuu tababaruhu doonayo ciyaartooy kala duwan.

“Alvaro Morata waa xiddig weyn. Xilli ciyaareed wanaagsan ayuu Real Madrid lasoo qaatay laakiin suuqa kala iibsiga ayaaba u shaqeeya qaab waalli ah. Waxaan u maleynayaa inay Chelsea ku heshay qiimo wanaagsan maadaama uu yahay nin dhallinyaro ah oo tayo badan. Chelsea-na guulo ayuu ku hogaamin doonaa.

“Laakiin waxaa jiray habab badan oo uu tababare Conte iigu sheegi karay in aanan ka mid aheyn qorsheyaashiisa Chelsea. Ma aheyn inuu go’aankiisa farriin qoraaleed iigu soo gudbiyo. Waxay aheyd inuu daacadnimo muujiyo isla markaana uu noqdo shaqsi toosan oo uu inta yimaado horteyda arrintaan ii sheego.

“Waxaan la joogay xulka qaranka Spain, kaligeey ayaan joogay qolkeyga markii ay farriintaani iisoo dhaceysay. Waan la yaabay xaqiiqdii. Waxaan tusay xiddigaha aan isku qaranka nahay, waxayna ii sheegeen in aysan aamini karin tallaabada uu Conte qaaday iyo habka uu wax u maareeyey.

“Waqtigaas waan carooday hadase waan xasilanay. Ma tiri doono farriintaan. Haddii ay dadku igu eedeeyaan inaan been sheegayo waan tusi doonaa si aan ugu caddeeyo qaabka qaldan ee uu Conte iila dhaqmay”.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan