AC Milan oo guul ka gaartay Bayern Munich ciyaar ka dhacday dalka Shiinaha (Daawo Goosgooska)

0
1716

AC Milan ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 14aad ee kulankaan ka dib markii uu shabaqa usoo taabtay xiddigooda qadka dhexe ee reer Ivory Coast ahna saxiixooda cusub ee xagaagaan Franck Yannick Kessié. Kubaddaas waxaa si wanaagsan uga soo shaqeeeyey Rodriguez iyo Niang.

Patrick Cutrone ayaa goolka labaad u dhaliyey kooxda Milan daqiiqadii 25aad, Ricardo Rodríguez ayaa laad xor ah soo qaaday ka dibna waxaa madaxa ku dhaliyey Patrick Cutrone, wixii intaas ka dambeeyey maamulka ciyaarta waxaa la wareegay Milan oo dhan walba u jiiday kooxda heysata koobka horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich.

Daqiiqadii 43aad Patrick Cutrone ayaa goolkiisii labaad ee kulankaan u saxiixay Milano, weeraryahanka 19 sanno jirka ah ee Talyaaniga u dhashay oo lambarka 63aad u xirta Milan ayaa shabaqa u diray karoos cajiib ah oo uu keenay Giacomo Bonaventura.

Qeybtii hore ee ciyaartaan waxaa lagu kala nastay 3-0 ah, Leonardo Bonucci ayaana ciyaartaan bedel kusoo galay daqiiqadii 63aad, iyadoo lagu bedelay Cristian Eduardo Zapata Valencia.

Bandhigga goolasha ee Milan waxaa soo xiray Hakan Çalhanoğlu ka dib markii uu caawinaad ka helay Gustavo Raúl Gómez Portillo, Milan ayaana 4-0 uga badisay Bayern Munich ciyaartaan weyn oo ka tirsaneyd tartanka International Champions Cup, waxayna tani guul wanaagsan u tahay Milanta cusub.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO GOOSGOOSKA.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan