RASMI: Real Madrid oo xaqiijisay in difaaceeda Fabio Coentrao uu amaah ugu biiray koox cusub

0
669

Fabio Coentrao oo ay milkiyaddiisa leedahay kooxda Real Madrid ayaa la xaqiijiyey in xilli ciyaareedka 2017-18 uu amaah ugu ciyaari doono kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon.

Los Blancos ayaa shaaca ka qaaday inay amaah ku fasaxday difaaceedan bidix, waxaana warbixin kooban oo ay kaga hadashay arrintan u dhignayd: “Kooxaha Real Madrid iyo Sporting Lisbon waxa ay ku heshiiyeen qandaraas amaah ah ee ciyaaryahan Fabio Coentrao ilaa iyo 30-ka bisha Juun.”

Waa markii labaad ee xiddigan 29-sano jirka ah ee reer  Portugal ay amaah ku fasaxdo kooxda Real Madrid, isagoo xilli ciyaareedkii 2015/16 amaah ugu ciyaaray kooxda Monaco ee ka dhisan horyaalka Faransiiska ee Ligue 1.

Waxa uu Coentrao kaga soo biiray kooxda Real Madrid naadiga  Benfica sanadkii 2011, waxaana uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay uu dheeri ku ahaa garoonka Bernabeu isagoo kaliya Los Blancos u saftay 6 kulan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan helo fursad aan ugu ciyaaro kooxdaan weyn.” ayuu Coentrao qudhiisu ku soo qoray boggiisa Twitter-ka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan