Suuqa kala iibsiga: Maxay wargeysyada ka qoreen maanta kooxaha Man Utd, Arsenal & Barcelona

0
3856

Ed Woodward ayaa kaliya 17 maalmood u heysta fursad si uu ugu soo biirinayo kooxda Manchester United Ronaldo.

Jose Mourinho ayaa doonaya in heshiisyada Manchester United lasoo gabagabeeyo ka hor xili ciyaareedka cusub.

Woodward ayaa haatan diyaar wuxuu u yahay inuu kor u qaado xiisaha weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata, iyadoo Express Sport uu fahamsan yahay bartilmaameedkooda ugu sarreeya inuu yahay 24 jirka reer Spain.

Dhinaca Arsenal ayaa ku dhow inay u dhaqaaqdo Kylian Mbappe, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya hadda.

Weeraryahanka Monaco ayaa radarka usaaran kooxo badan, waxaana laga soo diiday Gunners dalab £87million oo ay ka gudbiyeen 18-sano jirkaan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsene Wenger ayaa ka cabsi qaba in Mbappe uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Gunners ayaa sidookale xiiso u qabta weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette.

Dhinaca kale kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Santos Lucas Lima.

Lima ayaase kusii sugnana doona kooxda reer Brazil ilaa January, iyadoo Fox Sports uu shaaca ka qaaday in heshiis afar sanno ah Barcelona la gaartay ciyarayahanka.

“Waxa uu u saxiixi doonaa 1da July kooxda Barcelona, iyadoo lix bilood uu kusii sugnaan doono dalka Brazil.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan