KASHIFAAD: Labada shax ee uu adeegsan doono tababare Jurgen Klopp marka uu lasoo saxiixdo Mahamed Salah oo la helay

0
1956

Tababare Jurgen Klopp ayaa qarka u saaran inuu gacanta kusoo dhigo saxiixiisa riyada ee xagaagaan, waana Mahamed Salah. Shabakadda Metro ee dalka Ingiriiska ayaana soo bandhigtay laba shax oo laga yaabo inuu midkood ciyaaro tababare Klopp si uu usoo saaro tayada ugu wanaagsan ee xiddiga reer Masar Salah.

Labadaan shaxba waa 4-3-3, waxaana xusid mudan inuu labadaba ku jiro Mahamed Salah. Shaxda koowaad haddii aan sharraxno waxay noqon doontaa in lambar 9aad oo been abuur ah laga dhigo Salah iyadoo qadka dhexe si toos ah loogu soo celinaayo Philippe Coutinho.

Saido Mane iyo Roberto Firmino ayaana labada garbood laga ciyaarsiin doonaa. Balse tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale adeegsan kara shax labaad si uu usoo saaro tayada ugu habboon ee Mohamed Salah.

Waa inuu ka ciyaarsiiyo garabka midig ee weerarka, Salah ayaana markaas heli kara fursad uu ku dhaliyo goolal badan maadaama uu yahay nin gurran. Shaxdaan waxaa ku jira gooldhaliyaha kooxda Lyon Alexandre Lacazette kaasoo lala xiriirinaayo Liverpool.

Ugu dambeyntii, Salah waxaa loo arkaa xiddig qaab ciyaareed ahaan ku habboon Liverpool, balse xiddigaani hore ayuu ugu soo fashilmay horyaalka England Premier League waqtigiisii Chelsea – adiga ahaan miyuu Salah oo Muslim ah kasoo dhalaali doonaa Liverpool xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018? Aragidaada ka dhiibo.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan