Paul Pogba ayaa fasax ku jooga dalka Shiinaha waxaana warbaahinta bulshada qabsaday muuqaalka sawiro markii uu la kulmay saaxiibkisiii hore ee Juventus Carlos Tavez.
Pogba, oo ah ciyaaryahanka ugu qaalisan kubada cagta caalamka waxa uu ka la kulmay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan dunida ee Carlos Tevez,
Tavez ayaa mushaar ahaan isbuucii kaga qaata lacag dhan £ 615,000- kooxdiisa Shanghai Shenhua.
Labada nin ayaa xitaa is dhaafsaday Maaliyada, iyadoo Pogba uu xirtay maaliyada Shanghai oo uu ku qoran yahay magaca Tevez iyo No 32, halka xiddiga reer Argentina uu isna xirtay maaliyada Manchester United ee No 6.
Pogba ayaa fasax ku jooga dalka Chine, isagoo xitaa booqday goobaha hidaha iyo dhaqanka dalkaas.