Manchester United ayaa ku dhammeysatay kaalinta lixaad ee horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 ka dib markii ay guul 2-0 ah garoonkeeda Old Trafford uga gaartay kooxda Crystal Palace.
Wiilka dhallinyarada ah Josh Harrop iyo xiddiga adduunka ugu qaalisan Paul Pogba ayaa labadaas gool u dhaliyey kooxda tababare Jose Mourinho.
Haddii aysan Man Utd ku guuleysan koobka UEFA Europe League Arbacada marka ay wajahaan kooxda reer Holland ee Ajax, waxay markale xilli ciyaareedka soo aadan ka ciyaari doonaan isla tartankaas.
Halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa goosgooskii ciyaartaas.