VIDEO: Daawo goosgooska kulankii ay Arsenal guusha weyn ka gaartay Manchester United

0
682

Arsenal ayaa garoonkeeda FLY Emirates Stadium guul 2-0 ah uga gaartay kooxda Manchester United ciyaar ka tirsaneyd wareegga 36aad ee horyaalka England Premier League, iyadoo dib usoo nooleysay rajadii ay ka laheyd usoo bixitaanka tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka soo aadan.

Kulankaani wuxuu noqday mid taariikhi ah, tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaana guushiisii ugu horreysay ee tartan rasmi ah ka gaaray macalinka lagu magacaabo Jose Mourinho kulankoodii 14aad ee ay foodda isdaraan kooxahoodu.

Tani waxay ka dhigan tahay in Arsenal oo haatan leh 63 dhibcood ay keliya laba dhibcood ka dambeyso kooxda kaalinta shanaad ee Man United, sidoo kale waxay lix dhibcood ka dambeysaa Manchester City, waxaana gacanta ugu jira laba kulan.

Goolasha Arsenal ee kulankaan waxaa dhaliyey Granit Xhaka iyo Danny Welbeck, halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa goosgooska iyo goolashii la iska dhaliyey kulankaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan